Raysal Wasaaraha Ethiopia Oo Mar Kale Ku Celiyey Sida Dalkiisu Ugu Baahan Yahay Inuu Marin Ka Helo Badda
Addis Abab, February 14, 2026 (Haatufonline) – Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa maanta hadal ka jeediyey kulanka madaxda Afrika ee ku midaysan ururka Midawga Afrika, kaas oo ay ka soo qaybgaleen badi Madaxweynayaasha Afrika.Raysal Wasaaraha Ethiopia ayaa madasha Midawga Afrika ka sheegay in dalkiisu uu u baahan yahay inuu marin ka helo badda, taas oo uu tilmaamay inay kaga xidhan tahay horumar dhaqaale iyo barwaaqow uu dalkiisu gaadho, maadaama oo tirada dadka dalkiisu ay kordhayso. “Biyuhu maaha oo kaliya khayraad, waa aasaaska horumarka, casriyowga, degenaanshaha, sidaa darteed Biyo xidheenka Ethiopia waxa uu Laydh ama koronto siiyaa guryaha iyo warshadaha, waxaana aanu gaadhsiinay wadamada jaarka ah, taas oo muujinaysa sida Afrika ay u wadaagto barwaaqada.Qaran sida Ethiopia oo kale ah oo leh koboc horumarineed oo joogto ah, waxa uu u baahan yahay inuu helo arimo kala duwan, oo ay ka mid tahay inuu ka dhabeeyo inuu marin ka helo badda si nabad ah, waxaanay taasi u horseedaysaa mustaqbal dhaqaale, degenaanshaha iyo barwaaqowga Geeska Afrika.”
Leave a comment