Latest News

Sarkaal Alshabab ka tirsan oo Xuutiyiinta la shaqeeyn Jiray oo lagu dilay duqayn ka dhacday Yemen

Haatufonline,February15,2025

Nin lagu magacabay Cabdilqaadir Yaxye Cali Axmad Al-Zabidi oo ka mid ahaa hawlwadeenada Alshabaab ee isku xidha sadexda kooxood ee Alshabaab,faraca Alqaacida ee Yemen (AQAP) iyo Xuutiyiinta ayaa todobaadkii hore lagu dilay gobolka Al-Mahra ee bariga Koonfurta Yemen.

Sida lagu sheegay warbaahinta maxaliga ah,ninkan ayaa Al-Mahra kasoo galay dhinaca xadka uu gobolkaasi la leeyahay dalka Cumaan isagoo sita baasaboor Yemeni ah oo laga siiyey magaalada Sanca ee ay Xuutiyiintu gacanta ku hayayaan,waxaanu markii duqaynta lala beegsaday ku socday deegaanka Waadiga Xadramood,halkaas oo ay dhawaan dib ugu soo noqdeen xubno ka tirsan faraca Alqaacida.

Sida ku qoran baasaboorka uu sitay waxa uu 25/2/1987 ku dhashay magaalada Xudayda oo ah caasimadda gobol ay ku badanyihiin dadka reer Zabiid.Hasa yeeshee xogo kale ayaa sheegaya in ninka la dilay kasoo jeeday dalka Somalia isla markaana uu ka mid ahaa shabakad ku howlan soo gudbinta hubka,walxaha qarxa iyo mukhadaraatka u kala goosha Yemen,Somalia iyo dalal kale oo ka tirsan Geeska iyo Bariga Afrika.

Waxa in dhawayd isa soo tarayey iskaashiga u dhaxeeya Xuutiyiinta iyo labada farac ee Alqaacida ku leedahay Yemen iyo Somalia.Iskaashigan sadex geesoodka ah waxa ka mid ah kala wareejinta hubka,is-dhaafsiga tababarada, wadaagista xogaha sirdoonka iyo tahriibta alaabooyinka kontarabaanka ah.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*