Maraykanka oo duqayn cirka ah la beegsaday Alshabaab ku sugnayd Xawaadleey
Haatufonline March 14,2026
Ciidamada Maraykanka ayaa Arbacadi dhawayd (11/3/2026) duqayn cirka ah la beegsaday maleeshiyada Alshabaab ee ku sugan deegaanka Xawaadleey ee ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.
Xawaadleey oo qiyaastii 60 km waqooyi ka xigta Muqdisho ayaa waxa sanadkii hore la wareegay dagaalyahanada Alshabaab, kadib markii ay halkaas ka saareen ciidamada Somalia iyo kuwa Burundi ee ka tirsan AUSSOM. Ciidanka dawladda Somalia ayaa dhawaan weerar ku qaaday fadhiisimada Alshabaab ku leedahay Xawaadleey oo leh buundo istraatiiji ah oo isku xidha gobolka Shabeellah Dhexe iyo gobolada kasii koonfureeya ee Somalia.
Taliska ciidamada Maraykanka ee Africom waxa uu sheegay inay sii wadi doonaan hawlgallada lagu naafaynayo awoodda Alshabaab,si looga hortago khatarta ay ku hayaan ciidamada Maraykanka iyo muwaadiniinta dalkooda ee qurbaha ku suganba.
Leave a comment