Latest News

Weerarka maanta lagu qaaday dekadda Yanbuc iyo saamayntiisaa dhoofinta shidaalka

Haatufonline,March 19,2026

Waxa maanta weerar duqayn ah lala beegsaday warshadda safaynta saliida caydhin ee ku taala dekadda Yanbuc ee Badda Cas. Warshaddan oo ay leedahsy sharikadda batroolka Aramco ee laga leeyahay dalka Sucuudiga ayaa waxa lagu soo weeraray diyaarad Drone ah iyo gantal Baallastik ah.

Yanbuc ayaa haatan ahayd dekadda kaliya ee laga dhoofiyo saliidda uu Sucuudigu soo saaro kadib markii uu xidhmay marinka Hormuz ee ku yaala Gacanka u dhaxeeya Iiraan iyo dalalka Carabta ee la marin jiray batroolka ay Sucuudiga iyo dawladaha Khaliijku u dhoofiyaan dibadda,taasoo u sababay dagaalka sadexdii todobaad ee u damberyey dhex marayey Maraykanka iyo Israel oo isku dhinac ah iyo dalka Iiraan oo dhinaca kale ah.

Hadaba weerarka Yanbuc oo ilaa hadda aan ciddi sheegan ayaa hadii ay noqoto inay Xuutiyiintu ka dambeeyeen, waxa loo arki karaa weerarkaasii digniin ah marinka Baabal Mandeb ee Badda Cas qudhidiisu uu halis ku jiro inuu xidhmo,taasoo hadii ay dhacdo uu joogsan doono dhamaan shidaalkii laga dhoofin jiray Sucuudiga iyo dalalka Khaliijka ee kale oo batrool waa ka dhaco dalalka dunida intooda badan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*