Turkiga oo ku fashilmay inuu weeraro markabka la afduubay iyo Shiinaha oo qafaashay kaluumaysato reer Puntland ah
Haatufonline,April 27,2026
Xogo maxali ah oo lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in ganacsatadii lahayd shidaalka saaran markabka lagu magacaabo “Honour” ee budhcadbadeedu xeebta Somalia ka afduubeen ay diideen in ciidamada Turkigu weeraraan markabkaasi oo la qafaashay Arbacadi.
Taliska ciidamada Turkiga ee ku sugan Somalia ayaa sida la sheegay soo jeediyey in markabaka xoog lagu soo furto.
Ciidanka maamul goboleedka Puntland ayaa sabadkii hore gacsnta ku dhigay Markaab hub sida oo soo caaryey.
Markabka Honour oo ay saarnaayeen 17 qof oo shaqaale ah iyo 18,500 foosto shidaal ah ayaa lagu afduubay meel u jirta 45 km xeebta tuulada Bandaraley ee ku taala gobolka Puntland iyadoo u u rarnaa ganacsato reer Muqdisho ah.
Siday ilo ku dhaw dhaw ganacsatadaasi sheegen waxa hadda socda xidhiidho iyo waan waan la damacsanyahay in markabka lagu sii daayo.
Dhinaca kale ciidamada badd ee Shiinaha ayaa laga bilaabo bishii March ee lasoo dhaafay xeebta Puntland ka qafaashay kaluumaysato Soomaali ah.
Shiinuhu war kama soo saarin arintan balse waxay magacyada dadka u xidhan u gubiyeen Xukuumadda Somalia oo aan iyaduna arintan ka hadal.
Dawladda Shiinaha ayaa bishii hore ku hanjabtay in aanay ogolaanayn in maraakiibteeda kaluumaysiga la afduubo,ka dib markii markab kaluumaysi oo Shiinuhu leeyahay lagu afduubay xeebta Bandaraley.
Qafaalashada kaluumaysatada Puntland ee aan la shaacin ayaa dadka qaar u arkaan inu yahay aargoosaho uu Shiinuhu kaga aargoosanayo maraakiibtisa budhcadbadeedu ku afduubtay biyaha ku dhaw Bandaraley bishii November 2023 iyo March 2026.
War cusub oo hadda soo dhacayna wuxu sheegayaa in markab xamuul ah oo sida sibidh lagu qafaashay meel 3 km oo kaliya u jirta dekadda Garacad ee ku taala xeebta Puntland,dekaddaas oo ay dhawaan dhisteen dad ganacsato ahi.Waana markabkii labaad todobaadkan gudihiisa ee ay budhcad badeeda Somalia gacanta ku dhigaan.
Leave a comment