Latest News

Madaxweynaha Somaliland Oo Sagootiyey Wufuud Caalami Ah Oo Ka Qayb Galay Xuska Maalinta Qaranimada Ee 18ka May

Hargeysa, May 19, 2026 (Haatufonline) -Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maanta si sharaf iyo maamuus leh u sii sagootiyey Wufuuddii heerka Caalami ahaa ee ka soo qayb-galay munaasibadda Xuska sannad-guurada 35-aad ee dib-ula-soo-noqoshada madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee 18-ka May.

Madaxweynuhu waxa uu si qoto dheer ugu mahad naqay saaxiibadii, diblomaasiyiintii, marti-sharaftii iyo wufuuddii Caalamiga ahayd ee safarka dheer u soo maray si ay Shacabka JSL ula wadaagaan farxadda iyo dabaaldegga maalinta Qaran taasi oo astaan u ah xorriyadda, adkaysiga iyo go’aanka shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa xusid mudan in Xuska 18-ka May ee sannadka 2026-ka ay ka soo qayb galeen in ka badan 25 dal oo kala yimid daafaha Caalamka.

Madaxweynuhu waxa uu xusay in ka qayb galka Wufuuddani ay muujinayso sii xoogaysiga xidhiidhka Jamhuuriyadda Somaliland ay la leedahay saaxiibbadeeda Beesha Caalamka iyo korodhka fahamka ay bulshada Caalamku ka qaadanayso xaqiiqada Dawladnimada, Nabadda iyo D0imuqraadiyadda ka hanaqaadday Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu hoosta ka xarriiqay in 18-ka May ay tahay maalin ku suntan halgan, dib-u-dhis iyo himilo Qaran oo Shacabka Somaliland ay ku xaqiijiyeen jiritaankooda qarannimadooda, isaga oo hoosta ka xarriiqay in Somaliland ay si dhab ah u sii xoojin doonto iskaashiga, wada-shaqaynta iyo xidhiidhka diblomaasiyadeed ee ay Somaliland la leedahay dalalka iyo Hay’adaha Caalamiga ah.

Dhankooda, wufuuddii ka socotay Beesha Caalamka ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Xukuumaddiisa iyo Shacabka Somaliland ku bogaadiyey adkaysiga, amniga, dimuqraadiyadda iyo horumarka ka hana-qaaday Jamhuuriyadda Somaliland, iyaga oo si gaar ah u xusay kaalinta muuqata ee Somaliland kaga jirto ilaalinta nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Gebogebadii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa mar kale uga mahad naqay dhammaan martidii iyo wufuuddii caalamiga ahayd taageerada, ixtiraamka iyo garab-istaagga ay u muujiyeen shacabka iyo Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo u rajeeyey safar nabad qaba iyo sii xoojinta mustaqbalka xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Beesha Caalamka.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*