Latest News

Puntland oo gacanta ku dhigtay xubno ka tirsanaa Daacish oo u dhashay Yemen

Haatufonline,June 5,2026

Ciidamada Amniga Puntland ayaa hawlgallo ka dhan ah kooxda Daacish oo ka socda buuraha Calmiskaad golka Bari todobaadkan ku qabtay xubno ka tirsan ururkaasi oo u dhashay dalka Yemen.

Sida uu sheegay Afhayeenka Hawlgalka Calmiskaad, Gen. Maxamuud Jaamac Faadhigo, xubnaha Daacish ee gacanta lagu dhigay waxa ka mid ah horjooge Mukhtaar Cali Naasir kaasoo la qabtay xilli uu ku sugnaa deegaanka Afcad, isagoo muddo saddex maalmood ah lug ku soo socday deegaanka Shakaala oo ah halka ay saldhigga ku leeyihiin xubnaha Daacish.

Waraysi hordhac ah oo uu dagaalamahu bixiyey wuxu ku sheegay inay ahaayeen sadex xubnood oo loo diray inay soo helaan dameero raashin loogu geeyo maleeshiyada Daacish ee buuralayda ku sugan kuwaas oo la sheegay inay soo waajahday xaalad adag oo dhinaca sahayda ah.

Dinaca kale Guddoomiyaha Golaha Ku-meel-gaadhka Koonfurta Yemen (STC), Caydiroos Al-Zubaydi, ayaa muujiyey walaac weyn oo ku saabsan hanjabaadaha Iiraan inay xidhi doonto marin-biyoodka Babal Mandab, isaga oo ka digay khatarta arintaasi ku tahay amniga Badda Cas iyo isu-socodka maraakiibta caalamiga ah.
Al-Zubaydi oo ku sugan dalkiisa dibadda ka jooga, ayaa wuxu sheegay in “ciidammada koonfureed” ay ahaayeen tiirka ugu muhiimsan ee sugidda amniga xeebaha koonfur-galbeed ee Yemen marka loo eego dagaalka lagula jiro kooxda Xuuthiyiinta iyo ururada argagixisada ee gobolka. Waxa uu ku dooday in kala-diridda ama wiiqidda ciidammadaas uu sababay ololihii milatari ee Sacuudiga kusoo qaaday horaantii sanadkan, taasoo uu yidhi waxay abuurtay faraaq amni oo halis ah oo ka jira xeebaha galbeed iyo koonfureed ee Yemen, oo ay Iiraan doonayso inay xaaladdaas cusub ka faa’iidaysato.

Al-Zubaydi ayaa sidoo kale ku baaqay in la sameeyo jawaab mideysan oo heer gobol iyo heer caalami ah si looga hortago hanjabaadaha Iiraan iyo kooxaha ay taageerto, isagoo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in si wada jir ah loo ilaaliyo amniga marinka Hormuz,Badda Cas,Gacanka Cadmeed iyo Badda Carbeed.
Wuxuu sheegay in aanay wax faa’iido ah lahayn in la sugo hal marin-biyood oo istaraatiiji ah iyadoo kan kale la dayacay, maadaama taasi ay Iiraan iyo Xuuthiyiinta siin karto saameyn weyn oo ku saabsan amniga caalamka iyo sahayda tamarta.
Dhankiisa, Al-Zubaydi ayaa mar kale xaqiijiyey in uu haysto awood ciidan iyo taageero dadweyne oo ku filan si loo ilaaliyo marin-biyoodkan muhiimka ah, isaga oo ku dhawaaqay inuu xoojinayo wada-xaajoodyada iyo xidhiidhada uu la leeyahay saaxiibbada gobolka iyo kuwa reer galbeedka si Koonfurta Yemen loogu daro qorshayaasha amniga ee heer gobol iyo heer caalami.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*