Latest News

Budhcadbadeed ka baxday heshiis madaxfurasho ah oo lagu sii dayn lahaa 8 badmaax oo Masaari ah

Haatufonline,June 9,2026

Waxa fashilmay wada-xaajood lagu siin dayn lahaa sideed badmaax oo Masaari ah ka dib markii ay budhcad badeedii Soomaalida ahayd ee qafaalatay ay ka baxeen heshiis ahaa in la siiyo lacag laba milyan oo doolar oo madaxfurasho ah.

Sideedan bamaax iyo iyo afar kale oo u dhashay Hindiya ayaa waxay ahaayeen shaqaalaha markab shidaal oo lagu magacaabo M/T Eureka, kaasoo ay budhcad badeedu ka afduubeen xeebta bari ee Koonfurta Yemen 2 May 2026, dabeetana ula kaceen xagga xeebta Somalia ee teedsan Badwaynta Hindiya.

Al-shadli Al-najaar oo ah guddoomiyaha ururka saraakiisha badmaaxyaasha ee Masar, ayaa xaqiijiyey in kadib markii uu wada hadal internet-ka ku dhex maray mulkiilaha markabka iyo badhcadbadeeda, lagu heshiiyey in laba milyan oo doolar la siiyo kooxda budhcadbadeeda si ay shaqaalaha iyo markabkaba u sii daayaan,balse ay budhcadbadeedu markii dambe is-rogeen oo ay heshiiskii ku wacad fureen iyadoo ay dalbadeen in lacagta madaxfurashada loo kordhiyo lana gaadhsiiyo toban milyan oo doolar.

Waxay ahayd dabayaaqadi bishii hore markii baraha bulshada uu aad ugu faafay muuqaal ay kooxdan budhcad badeedu iska duubeen iyagoo rasaas ka dul ridaya sadex ka mid ah badmaaxyaasha Masaarida ah oo laba dible u xidhan taasoo ay uga dan lahaayeen inay culays ku saaraan mulkiilaha markabka iyo ehelka badmaaxyaasha si ay lacag ugu madaxfurtaan shaqaalaha markabka.

Axmed Raad oo walaalkii ku jiro badmaaxyaasha Masaarida ah ee markabka la qafaashay saaran, ayaa sheegay in walaalki oo telefoon kula soo xidhiidhay ka dayriyey xaaladda ay ku noolyihiin iyo khatarta ay ku suganyihiin.

Dhinaca kale ilo xogogaal ah oo ku sugan maamul-goboleedka Puntland ee Somalia ayaa noo sheegay in markii uu markabku soo gaadhay xeebta Somalia ay dablay xoog u hubaysan oo tiradooda lagu qiyaasay kontomeeye , ay markiiba ku biireen afduubeyaasha.
Ilahan oo ka faaloonaya qaabkii loo soo qafaashay markabka ayaa tilmaamay in farsamada markabka Eureka lagaga soo afduubay biyaha Koonfurta Yemen ee lagu keenay xeebta Somalia, ay aheyd mid aqoon ahaan iyo mustawe ahaan ka saraysa tii lagu yiqiinay budhcad badeeda Soomaalida.
Wasiirkii hore khaarajiga ee Koonfurta Yemen, Khaled Al-Yamaani,oo arintan kaga hadlay bartiisa X ayaa isugu sheegay in Xuutiyiinta iyo Alshabaab lug ku leeyihiin hawlgalada budhcadeednimada ah ee dhawaan ka dhacay biyaha u dhaxeeya dalkiisa iyo Somalia.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*