Latest News

Wakiilkii Somaliland U Fadhiyey Yemen Oo Xabsiga Loo Taxaabay

Haatufonline — June 22, 2026

Warbaahinta dalka Yemen ayaa baahisay in dawladda Yemen xabsiga u taxaabtay wakiilkii Somaliland u joogay dalkaasi, Idiris Adam Raaji.

Wararku waxay sheegayaan in wakiilka Somaliland ee Yemen uu dalkaasi ku joogay sharci ahaan.

Qoyska Idiris Adam Raaji ayaa warbaahinta u sheegay inuu xidhanyahay tan iyo 13-kii bishan, isla markaana aanay garanayn halka lagu hayo, booqashona aanay u tegi karin.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga sababta loo xidhay wakiilka, hase yeeshee warku wuxuu tilmaamay in arrintu u muuqato mid xukuumadda Yemen ku doonayso inay abuurto qaab ay xidhiidh wada-hadal ula yeelato xukuumadda Somaliland.

Magaalooyinka Somaliland ee Hargeysa, Berbera, Boorama, Gabiley, Wajaale, Burco iyo meelo kale waxa ku sugan dad u dhashay Yemen oo lagu qiyaasay in ka badan 20 kun oo qof.

Dadkaasi waxay isugu jiraan ganacsato waaweyn, dad shicib ah oo Somaliland ka xoogsada iyo qaxooti ay Somaliland qaabishay, una ogolaatay inay dalka ku noolaadaan kana shaqaystaan.

Si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda Xukuumadda Somaliland kama hadal xadhigga wakiilkeeda lagu xidhay Yemen. Sidoo kale dawladda Yemen kama hadal sababta ay u xidhay wakiilka Somaliland ee dalkaasi sharci ahaan ugu sugnaa.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*