Latest News

Masuuliyiin Ka Socota Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL Iyo Wafti Ka Socda Dalka Israel Oo Safar Shaqo Ku Tegay Gobolka Saaxil

Haatufonline — 19 July, 2026

Masuuliyiin ka socota Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland iyo wafti ka socda dalka Israel ayaa maalintii labaad ee booqashadooda safar shaqo ku tegay Gobolka Saaxil.

Waftiga, oo ay hoggaaminayeen Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Madaxa Xidhiidhka Gobollada ee Wasaaradda, ayaa waxa ku weheliyey khubaro ku takhasusay qaybaha kala duwan ee caafimaadka oo ka socday dalka Israel.

Ujeeddada safarkan ayaa ahayd is-dhaafsi aqoon, xoojinta xidhiidhka iskaashi iyo dhisidda wada-shaqayn waarta oo u dhexaysa labada dhinac, gaar ahaan dhinaca horumarinta adeegyada caafimaadka.

Intii uu safarku socday, waftigu waxay booqdeen degmooyinka Sheekh iyo Berbera, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen maamulka Gobolka Saaxil iyo masuuliyiinta caafimaadka ee gobolka.

Waftigu waxay sidoo kale kormeer ku soo mareen qaybaha kala duwan ee Cusbitaalka Guud ee Berbera, halkaas oo ay warbixino kala duwan kaga dhegaysteen maamulka iyo shaqaalaha caafimaadka ee cusbitaalka.

Warbixinahaasi waxay la xidhiidheen adeegyada caafimaad ee la bixiyo, habsami-u-socodka shaqada, guulaha la gaadhay iyo caqabadaha jira.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*