Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL iyo Waftigiisa oo Booqasho Shaqo ku Tegay Wasaaradda Caafimaadka ee Dalka Taiwan
Haatufonline — 19 July, 2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa booqasho shaqo ku tegay Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Taiwan.
Waftiga ayaa kulamo kala duwan la yeeshay masuuliyiinta iyo maamulka sare ee Wasaaradda Caafimaadka Taiwan, kuwaas oo lagaga wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac iyo horumarinta adeegyada caafimaadka.
Intii ay kulamadu socdeen, Agaasimaha Guud iyo waftigiisu waxay masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka Taiwan u soo bandhigeen xog iyo qorshayaal la xidhiidha horumarinta adeegyada caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, iyagoo iftiimiyey mudnaanta Wasaaradda, baahiyaha jira iyo qorshayaasha lagu tayeynayo adeegyada caafimaadka dalka.
Kulamadan ayaa qayb ka ah dedaallada Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ay ku xoojinayso iskaashiga caalamiga ah, is-weydaarsiga khibradaha iyo taageerada farsamo ee lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka qaranka.
Leave a comment