Latest News

Markab lagu afduubay maanta xeebta Mareeyo ee Somalia

Haatufonline,August 17,2026

Sida lagu sheegay war ay soo saartay Hay’adda Howlgalada Ganacsiga Dadaha ee Boqortooyada Ingriiska ‘UKMTO’ waxa maanta meel ku beegan xeebta Mareeyo ee Somalia lagu afduubay markab gannacsi ka dib markii ay qasab kusoo fuuleen dablay hubaysan oo tiradooda lagu sheegay sided qof.
Warar dheeraad ah oo arintan ku saabsan ayaa waxa lagu sheegay in makabka la afduubay lagu magacaabo Lutfi isla markaana uu sittay calanka dalka Kamaroon.
Hasa yeeshee ma jiro ilaa war ku saabsan halkay ku dambeeyeen shaqaalihii markabku.

Mareeyo oo ah tuulo yar oo ilaa 25 km dhinaca bari kaga beegan dekadda Bosaaso ayaa lagu tilmaama inay ka mid tahay xarumaha ay badhcad badeeda Somalia ku qorsheeyaan hawlgaladooda isla markaana u taxaabaan maraakiibta iyo doonyaha ay soo afduubaan..

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*