Sarkaal Sucuudi ah oo ka dhex muuqday munaasabad ciidan tababar loogu soo xidhayey Galguduud
Haatufonle,August 19,2026
Xafladii bishan 16 keedii gobolka Galguduud loogu sameeyey xidhitaankii tababar ciidan mudo sanad ku dhawaad ah ku xaraysnaa Xananbuure, ayaa waxa hadda la xaqiijiyey inuu munaasabaddaasi kasoo qaybgalay sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka dawladda Sucuudiga.
Taliyaha dhawaan loo magacaabay waaxda tababarada ciidanka Somalia, Axmed Ciise Axmed oo kasoo jeeda gobolka Awdal ee Somaliland, ayaa tirada askarta tababarka loo soo xidhay ku sheegay 4700 .Waxa kale oo intaas ku daray militari ee Somalia in ciidanka tababarka ku qaatay Xananbuure laga soo ururiyey dhamaan gobolada Somalia.
Hasayeeshee dhawr ilood oo kala duwan oo xog ogaal ah oo aanu arintan ka waraysanay iyo baadhitaanno dheeraad ah oo aanu ku samaynayba , waxaanu ku ogaanay tirada iyo qabaaiilka askarta tababarka loo furay ay kasoo kala jeedeen,wanna sidan: Hawiye 1700, Dhulbahante 1600, Ogaadeen iyo Jiidwaaq 900, Gadabuursi iyo Ciise 500, iyadoo ujeedada ciidanka loo sameeyey tahay in dawladda Somalia iyo Sucuudigu kula dagaalamaan Somaliland.
Sida uu wasiirka difaaca Somalia Axmed Fiqi horeba u sheegay ,waxa kharashka tababarka, saadka,iyo gunada ciidanka mudadi u tababarka ku jiray bixinayey dawladda Sucuudiga.Waxa kale oo ay Sucuudigu kafaalo qaadeen oo durtaba fuliyeen inay ciidanka hubeeyaan isla markaana si joogto ah u bixiyaan mushaharkooda iyadoo si sharci loogu yeelo kaalinta uu Sucuudigu ku leeyahay qorshahan militari, ay dawladdaha Somalia iyo Suucudugu horaantii sanadkan Riyaad ku kala saxeexdeen heshiis ciidan oo dhinaca difaaca ah.
Laakiin saraakiishii Somalia ee ka hadlay munaasabaddi xidhitaanka tababarka ayaan soo hadal qaadin sarkaalka Sucuudiga ah ee ka dhex muuqday xafladda iyo waliba saraakiil calooshood u shaqayste yaal ah oo kasoo kala jeeday Romania,Sudan iyo Ukraine oo Suucudiga heshiis kula galay inay tababarka bixinayaan.
Leave a comment