Latest News

Ciidanka Turkiga ee deggan Somalia oo diyaarad drone ah ku dilay afar ka mid ah budhcad-badeedi shalay afduubtay markabka Lutuf ee Turkigu leeyahay.

Haatufonline,August 19,2026

Ciidanka Turkiga ee deggan Somalia ayaa maanta diyaarad drone ah ku dilay afar ka mid ah sideed budhcad badeed ah oo shalay afduubay markabka Lutuf oo ay leedahay shirkad Turki ahi.

Afarta nin oo markabka kasoo dagay oo saaran dooni yar kuna sii jeeda xagga xeebta deegaanka Garmaal ee ka tirsan maamulgoboleedka Puntland ee Somalia,ayaa markaliya waxa haleeshay duqayn cirka ah.

Saraakiil ka tirsan Puntland oo arintan wax laga waydiiyey ayaa sheegay in duqaynta ay fulisay diyarad drone ah oo ciidanka Turkiga ee deggan Muqdisho ay soo direen.
Markabka Lutuf oo sita calanka dalka Kameroon ayaa waxa iska leh sharikad Turki ah.
Ilaa hadda ma jiraan warar dheeraad ah oo ku saabsan halkay ku dambeeyeen afartii budhcad-badeed ee markabka ku hadhay iyo tobankii shaqaalaha ahaa ee markabka la socday kuwaas oo kala ahaa lix Hindi ah,mid Turki ah iyo mid kasoo jeeda Georgia iyo laba ilaaliyeyaal ah.

Dawkadda Somalia ayaa laba sanadood ka hor Turkiga heshiis kula gashay inay biyaha Somalia ka ilaaliyaan budhcad badeeda, hasa yeeshee Turkiga ayaa lagu dhaliilaa in aanu arintaas wax ka qabaan iyadoo lixdii bilood ee u dambeeyey oo kaliya ay budhcad badeeda Soomaalidu badda kasoo qafaasheen ugu yaraan 6 markab iyo 8 doonyood oo ay keeneen xeebaha Somalia si ay lacag madafurasho ah ugu badashaan sii dayntooda.
Duqaynta maanta ee Turkigu la beegsaday afar ka mid ah sideedii soo afduubay Lutuf ayaa waxa loo arkaa talaabo ay Turkiga ku kaliftay uun shirkad Turki ah oo markabka lahayd.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*