Latest News

Khubaro ka tirsan ciidanka Iran iyo Xisbula oo ka qaybgalaya hogaaminta dagaalka Xuutiyiinta ee ku waajahan Babel Mandeb

Haatufonline,September 5,2026

Ilo xog ogaal ah oo ku sugan Yemen ayaa laga soo warinayaa in khubaro ka tirsan Ilaalada Kacaanka ee Iran iyo Xisbulaha reer Lubnaan ay ka qaybqaadanayaan dagaalada labadii todobaad ee u dambeeyey dalka Yemen ku dhex marayey kooxda Xuutiyiinta iyo ciidamada dawladda Yemen ee caalamka laga aqoonsanyahay.

Dagaaladan oo ka bilowday weeraro balaadhan oo ay maleeshiyada Xuutiyiintu ku soo qaadeen ciidamada dawladda iyo ciidan beeleedka taageera ee ku sugan galbeedka magaalada Taciz iyo xeebta galbeed ayaa ilaa hadda socda iyadoo ujeedada dagaal ee Xuutiiyiinta lagu tilmaamay mid ay ku doonayaan inay dusha sare kaga qabsadaan buuro kusoo jeeda qayb ka mid ah xeebta galbeed ee Yemen gaar ahaan marinka Babel Mandeb.

Xuutiyiinta ayaa bishi lasoo dhaafay ku dawaaqay inay maraakiibta Sucuudiga ka go’doomin doonaan isticmaalka Babel Mandeb taasoo qaar ka mid ah muxaleliinta wararku ( news analysts) ku macneeyeen talaabo ay Xuutiyiintu uga dan leeyihiin laba ujeedo oo kala ah inay Sucuudiga ku ruxruxdaan oo lacag baada kaga helaan iyo inay Iran ugu hiiliyaan si Maraykanku culayska militari iyo dhaqaale uga dulqaado.

Inkastoo ay Xuutiyiintu maalmihi hore ku guulaysteen inay ciidamada dawladda dib uga riixaan goobo istraatiji ah oo ku yaala buuralayda galbeedka Taciz iyo koonfurta gobolka Xudayda ee Badda Cas, haddana wararkii u dambeeyey ee dagaalka ku saabsanaa waxay sheegayaan in ciidamada dawladda oo ay taakulaynayaan guutooyin gurmad ah oo kasoo kicitimay koonfurta Yemen ay weeraro rogaal celin ah ku qaadeen maleeshiyadii Xuutiyinta oo ay dib uga qabsadeen qaar ka mid ah goobihii iyaga hore looga kiciyey.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*