Latest News

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo War-Saxaafadeed ka Soo Saartay Cudurka Ebola

Haatufonline — 19 October, 2026

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay kaga hadashay xaaladda cudurka Ebola ee ka jira qaar ka mid ah waddamada Bariga iyo Geeska Afrika. War-saxaafadeedka Wasaaradda ayaa u dhignaa sidan:

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland waxay si dhow ula socotay xaaladda cudurka Ebola ee ka jira qaar ka mid ah waddamada Bariga iyo Geeska Afrika. Wasaaraddu waxay sare u qaaday heeganka, feejignaanta iyo diyaargarowga, kaddib markii Dawladda Kenya ay xaqiijisay qofkii ugu horreeyey ee u dhinta cudurka Ebola, kaas oo ka yimid dalka Koongo, isaga oo soo maray dalka Uganda.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku waxay dadweynaha ku wargelinaysaa in aanu cudurka Ebola ka jirin guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasaaraddu waxay xoojinaysaa kormeerka iyo baadhitaanka caafimaad ee dadka ka soo gelaya xuduudaha dalka, gaar ahaan garoomada diyaaradaha, dekedaha iyo dhammaan goobaha laga soo galo dalka.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay muwaadiniinta ku boorinaysaa inay ka taxaddaraan safarrada ay ku tegayaan waddamada laga xaqiijiyey cudurka Ebola.

Ugu dambayn, Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku waxay bulshada la wadaagi doontaa xogaha rasmiga ah iyo wixii cusub ee ka soo kordha xaaladda cudurka Ebola.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*