Latest News

Xuutiyiinta oo goobihi ay gobolka Taciz ka qabsadeen askarti dawladda ka baadhaya liisaaski mushaharka

Haatufonline — 10 November, 2026

Kadib markii ay qabsadeen goobaha ku xeeran magaalada Taciz waxay Xuutiyiintu bilaabeen inay magacyada xubnaha ciidamada iyo maamulka dawladda ee degmooyinkaas ka hawlgali jiray ka baadhaan liisasaski ay mushaharka ku qaadan jireen.

Maleeshiyada Xuutiyiintu waxay bartilmaameed ka dhigteen xafiisyada sarifleyaasha lacagta oo inta badan ay dawladda Yemen ay soo marin jirtay mushahaarooyinka ciidamadeeda iyo shaqaalaheeda madaniga ah.

Si ay xogo dheeraad u helaan waxa kale oo ay Xuutiyiintu dadka ku beerlaxawsadeen inay soo wadaan gargaar aadamanimo oo loo baahanyahay in qoys waliba is-diiwaangaliyo oo uu sheego tirada uu ka koobanyahay iyo magacyada xubnihiisa taasoo dad badani ka shakiyeen oo ay diideen.

Dhinaca kale waxa laga dayrinaya xaaladda aadamanimo ee dadwaynaha ku nool magaalada Taciz, ka dib markii ay Xuutiyiintu dhinac walba ka go’doomiyeen iyadoo horaantii bishii la soo dhaafay ay gacanta ku dhigeen jidkii kaliya ahaa ee u furnaa magaalada kaasoo isku xidhi jiray Taciz iyo Cadan

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*