Qalab diyaaradaha daroonka lagu dayactiro oo loo waday Xuutiyiinta oo lagu qabtay bariga Yemen
Screenshot
Haatufonline —14 October, 2026
Qalab ka mid ah kuwa laga saameeyo diyaaradah daroonka oo loo waday Xuutiyiinta ayaa 13 November lagu qabtay lama degaanka Rubcal Khaali ee bariga koonfurta Yemen.
Sida lagu sheegay war laga soo xigtay saraakiil ka tirsan ciidamada amniga ee Yemen,waxa shixnaddan gacanta ku dhigay waaxda bilayska u qaabilsan arimaha Gurmadka ,waxaanay shixnaddu ka koobnayd qalab lagu dayactiro diyaaradaha droonka sida mashiinada,keemarooyinka,motion sensors iyo qaar kale, iyadoo lagu soo dhex qariyey shandado dhar dumar ku jiraan.
Ciidanka Gurmadka ayaa caydhsaday oo soo qab qabtay qaar ka mid ah dadkii shixnadda tahriibinay kadib markii ay isku dayeen inay ku fakadaan baabuur ay wateen.
Afhayeen ciidamada amniga u hadlay ayaa sheegay in la baadhayo oo lagu dabajiro ciddi ka dambaysay ee lacagta ku bixinaysay soo dajinta iyo fududaynta tahriibta qalabka la qabtay.
Leave a comment