Dad kasoo qaxay dagaalada Yemen oo ku dhintay gantaalo lala beegsaday sadex laash oo ay saarnaayeen
Haatufonline — 21 November, 2026
Gantaalo lala beegsaday sadex laash oo siday dad kasoo qaxay dagaalka Yemen ayaa la sheegay inay sababeen dhimashada tobanaan qof Khamiistii 19 kii November.
Lix qof oo kaligood ka badbaaday oo soo gaadhay Djibouti ayaa sheegay in sadexdii laash qaraqmeen kadib markii ay cuskadeen gantaalo ama duqayn cirka kaga soo dhacay.
Waxa kala oo ay sheegeen in laashash kale oo iyaguna siday dad soo qaxay ay badda dhexdeeda ku cadilanyihiin kadib markii ay laashaskii siday ku shidaal beeleen.
Ilaa hadda lama xaqiijin cidda ka dambaysay weerarkan lagu qaaday sadexda laash.
Dhinaca kale ugu yaraan 19 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay afar kalena way ku dhaawacmeen kadib markii gantal ama duqayn diyaradeed ay ku dhacday Laash siday dad ku barakacoobay dagaalada Yemen .
Laashka ayaa sida la sheegay kasoo baxay deegaanka Raasal Caara ee gobolka Laxaj ee u dhaw marinka Baabal Mandab,waxaanu ku sii jeeday degmada Xays ee kau taala xeebta Badda Cas ee gobolka Xudayda.
Xuutiyiinta oo iyagu haatan gacanta ku haya gabi ahaanba xeebta galbeed ee Yemen oo uu ku jiro Baabal Mandab, ayaa weerarkan ku eedeeyey diyaaradaha dagaalka ee Sucuudiga.
Leave a comment