Latest News

Astaamo cusub oo soo shaacbaxay oo xoojinaya tuhunkii in Ruushku Xutiyiinta ka taageero hawgalada dagaalka

Screenshot

Haatufonline — 23 November, 2026

Hore ayuu Haatuf Online usoo daabacay warar sheegayey in Ruushku aanu ka madhnayn dagaalka Yemen oo uu af iyo adinba ku taageerayo kooxda Xuutihiinta iyadoo Axaddi dhawayd ee 21 November baraha bulshada lagu wareejinayey video laga duubay laba nin oo Ruush iyo sarkaal ka tirsan ciidanka Xuutiyiinta oo gaadhi ku wada jira.
Labada Ruushka ah ayaa lagu sheegay inay saraakiil militari yihiinyihiin.
Video-gan ayaa u muuqda in sarkaalka Xuutiga ah ee gaadhiga wadaa uu iska duubay sanadki lasoo dhaafay,inkastoo aan wali la cadayn karayn goortay ahayd iyo goobtii lagu duubayba.

Warar iyo faalooyin tibaaxaya in Ruushku ay Xuutiyiinta gacan ka siiyaan hogaaminta iyo hagista gantaalaha (ballastic/cruise missiles) iyo diyaaradaha droonka ah isla markaana Xuutiyiinta la wadaagaan xogo militari oo ku saabsan ciidamada dawladda ee Yemen oo ay satellite-yada Ruushku soo tabiyeen.

Faaiidada Ruushku ku qabo Xuutiyiinta ayaa waxa ka mid ah boqolaal dhalinyaro reer Yemen ah oo loo dhoofiyo Ruushka si ay uga qaybqaataan dagaalka Ukraine, taasoo u fududeeyo xafiiska sirdoonka Xuutiyiintu ku leeyihiin Masqad,Cumaan. Xuutiyiintu waxay ammaan siiyaan maraakiibta Ruushka ee marta Badda Cas iyo Gacanka Cadmeedba.
Ruushku wuxuu Xuutiyiinta u arkaa awood kasoo horjeedda oo daciifinaya danaha Maraykanku ku leeyahay gobolka.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*