Latest News

Bal Maanta Maxaa Maydha Farmaajo Iyo Siyaasiyiinta Somalia Ilayn Waa Kuwii Lahaa Balaadhinta Dekadda Berbera Lama Hirgalin Karo ‘e

Muqdisho,June 26,2021( Haatufonline)-Madaxweynaha mudo-xileedkiisu dhamaaday ee Somalia Farmaajo,guddoomiyaha aqalka shacabka Somalia Mursal iyo ku xigeenadiisa iyo xubnaha golehooda shacabka waxay horaantii 2018 dhamaantood dhaar ku mareen in aan la hirgalin karin mashruuc la damacasanaa in lagu balaadhiyo dekadda Berbera oo ay shirkadda DP World balanqaadday maaligalintiisa iyo fulintiisaba.

Siyaasiin badan oo reer Somalia ah oo ay xata ku jireen qaar la col ahaa dawladda Farmaajo ayaa ku biiray qayladi iyo cambaaraynti lagala horyimid mashruuc ujeedadiisa kaliya aheyd in la balaadhiyo dekadda Berbera oo lagu soo kordhiyo qalab iyo adeego cusub oo casri ah oo xataà faaiido u leh kuwii VillaSomalia cawaasiifta kaga kicinayey mashruucaa.

Sadex sanadood iyo 3 bilood ka dib    Berbera waxa lagu kordhiyey dekad cusub oo lagu rakibay qalab cari ah oo sanadkii lasoo mariyo 500,000 konteenar isla markaana awood u leh inay u adeegto ama kusoo xidhaan maraakiibta ugu waayeen dunida.Waxa socda waji labaad oo ka baxsan heshiiskii hore ee Somaliland iyo DP World iyadoo dekadda mar labaad la sii balaadhin doono si ay  sanadkii u hanan karto laba milyan oo konteenar taasoo ka dhigi doonta dekadda ugu weyn Afrika.Waxa isna socda mashruuc lagu abuurayo suuq xor ah oo noqon doona Geeska iyo Bariga Afrika  ka ugu wayn iyo mashruuca Berbera Corridor oo ah marin isku xidhaya Berbera iyo Ethiopia iyo dalal ka sii shisheeya sida Koonfurta Sudaan ilaa Koongo waana sababta uu wafdi heer sare ah oo Itoobiyaan ahi shalay usoo gaadheen dalka Somaliand.

Hadaba maxaa maanta maydha Farmajo,Mursal iyo yarka Dir ee ku xigeenka u ah ee heshiiskii Somaliland iyo DP World ku tilmaamay waxba kama jiraanka ee geed dheer iyo mid gaabaanba u fuulay in aan la hirgalin??? Kolay dareenka khajilaadda ma leh oo wuu ka maqanyahay laakiin suaashu waxay tahay ficiladaasi nacsinimada ah oo kale ma ka waantoobi doonaan kuwa dambe ee soo fadhiisan doona VillaSomalia inay ku kacaan oo wax ma ku qaadan doonaan oo arinta Berberi daris ma ugu filaan doontaa in Somaliland socotay oon la joojin karin???..

 

Connect with us on Facebook