Latest News

Baraadla’aanta Mucaaridka Iyo Qorshaha Kooxda Farmaajo Ugu Talo Gashay Hirgalinta Sii Haysashada Xukunka

Muqdisho,March 18,2022(Haatufonline)-Kooxda Farmaajo ayaa damacsan inay carqaladayso doorashada shirgudoonka labada aqal baarlamaan ee Somalia ilaa iyo inta uu u hirgalayo qorshahooda ku aadan in guddoomiyaha golaha wakiilada loo doorto xildhibaan ka mid ah taageerayaashooda isla markaana Maxamed Cabdillaahi Farmaajo dib loogu doorto mansabka madaxweynaha Somalia.
Lafta Gareen iyo Qoorqoor oo ah madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo ka tirsan kooxda Farmaajo ayaa durtaba si adag uga horyimid jadwalki ay gudida doorashooyinka heer Federaal soo saareen maalinti doraad ee ay ku shaaciyeen in xildhibaanada cusub lagu dhaarin doono xaflad lagu qaban doono xafiiska raiisalwasaaraha Somalia 14ka bisha April.

Koxda Farmaajo waxa ka go’an in qiimo kasta oo ay ku tagayso ay xukunka sii haysato.Waxa u qorshaysan in lacag iyo cudud ciidan ay ku meel mariyaan rabitaankooda.Waxa kale oo ay go’aan ku gaadheen in aanay dheg u dhigin cadaadis kasta oo kaga yimaadda beesha caalamka.
Qodobada ugu muhiimsan ee ay hadda culayska saarayaan waxay kala yihiin 1) inay dagaal ku qaadaan gudida federaalk ee doorashooyinka oo ay ka ilaaliyaan inay shahaadooyinka doorashada u diido kuraas doorashadoodu ka dhacday Baydhaba iyo Dhuusamareeb oo ay gudidu hore u sheegtay in aan loo marin habraaci saxda ahaa doorashadooda 2) in dhaarinta xildhibaanada cusub aan lagu qaban xafiiska raiisalwasaaraha
3) in doorashada 16ka kursi ee Garbahaaray halkeeda lagu qabto oon loo rarin magaalo kale hadii laga maarmi waayana lagu qabto meel ay kooxda Farmaajo awood ciidan ku leedahay sida Muqdisho
4) in Baydhaba lagu qabto shirweyne ay iskugu yimaadaan beelaha Dir iyo Digil & Mirifle oo lagu iclaaminayo xulafaysi siyaasadeed oo u dhaxeeya beelahaas si ay codadkooda meel u wada mariyaan waqtiga doorashada guddoonka baarlamanka iyo madaxweynaha
5) in shirka Baydhaba lagaga dhawaaqo taageerada murashaxnimada Farmaajo ee kursiga madaxweynaha Somalia.

Kooxda Farmaajo oo tiirarkeeda adag ay ka midyihiin Fahad Yaasiin,Lafta Gareen,Qoorqoor iyo Xasan Khayre waxay ku talo jirtaa inay cunaha iskaga duubta dhamaystirka doorashadi Somalia ilaa iyo intay u hirgalayaan qodobada aanu kor kusoo xusnay.Mucaaridki u babac dhigi lahaa qorsheyaashaasi wu kala daadsanyahay waanu baraadla’yahay lamana filayo inay kooxda Farmaajo u joojin doonto qolada isku sheegta beesha caalamamka ee caadaysatay inay soo saarto bayaanno aan ilko lahayn oo ay kolba madaxda Soomaalida kaga dalbanayso inay dhamaystiraan doorashada dhawr iyo tobanka jeer dib u dhacday.

Connect with us on Facebook