Latest News

Ciidamada Danab Oo Gacanta Ku Dhigay Sarkaalkii Al-Shabaab U Qaabilsanaa Deegaano Hoostaga Kismaayo

Kismaayo, June 1, 2022 (Haatufonline) –  Ciidamada Danab ee Soomaaliya ayaa hawlgal ay ka sameeyeen gableedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda Hoose, waxa ay ku soo qabteen sarkaal sare oo deegaanadaasi u qaabilsan Al-shabaab.

Hawlgalkan ay sameeyeen Ciidamada Danab oo kaashanaya kuwa Nabad Sugidda Jubbaland ayaa weerar ay ku ekeeyeen xarumo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab waxa ay gacanta ku dhigeen Maxamed Cabdi Muqtaar (Saqraawi), kaas oo Al-Shabaab u qaalbisan deegaanada kala ah Shabac, Gaawo, Gabdhoodle, Beerxaani, Qudus iyo Kaanjaroon oo dhammaan ka wada tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Waxaanay sidoo kale ciidamada Danab ay toogasho ku dileen afar ka mid ah ilaalada sarkaalka lasoo qabtay ee ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida uu sheegay Carab Dheeg Axmed, Taliyaha Ururka 5-aad ee guutada 16-aad kumaandooska Danab, oo la hadlay Warbaahinta Soomaaliya.

Waxaanu intaasi ku daray Taliye Carab Dheeg inay burburiyeen xarumo ay lacago ku qaadi jireen sarkaalka la soo qabtay iyo ragga la dilay ee ka tirsanaa Al-Shabaab, isagoo xusay Taliyaha guutada 5aad ee Danab inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay haatan ka wadaan duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta Maamul Goboleedka Jubbaland.

Connect with us on Facebook