Latest News

Ciidamada Tigrayga Oo Xalay Soo Galay Weldiya Caasimaddi Gobolka Wollo Kadib Heshiis Dhexmaray Iyaga Iyo Odayaashii Magaalada

Weldiya,August 6,2021(Haatufonline)-Ciidamada Tigrayga ayaa xalay soo galay magaalada Weldiya ee caasimadda u ah waqooyiga gobolka Wollo ee dawlad goboleedka qowmiyadda Amxaarada kadib markii u heshiis dhexmaray iyaga iyo odayaasha magaalada.
Ciidamada Tigrayga ayaa muddo ku dhaw
2 todobaad ku xeernaa magaalada ka dib markii ay afarta baynu jiho dhinac walba ka dhaafeen waxaana iskagaka baxay ciidamadi maamul goboleedka.
Odayaasha magaalada ayaa dhalinyarada magaalada oo hubka gurtay ku qanciyey inay si nabagelyo leh iskugu dhiibaan ciidanka Tigrayga iyadoo ay u balanqaadeen in aan waxba la yeelaynin.
Weldiya ayaa ku taala buuraha ugu dhaadheer er Itooniya waxaanay dhinac koonfureed ka xigtaa magaalada Lalibela oo iyadana ay ciidamada Tigraygu doraad qabsadeen kadib markii ay ka carareen maleeshiyadi Amxaaradu.

Connect with us on Facebook