Latest News

Dawlada Hoose Ee Hargeysa Oo Maalintii Labaad Caasimada Ka Ururinaysa Geela

Hargeysa, November 8, 2021 (Haatufonline) – Dawlada Hoose ee Hargeysa ayaa maalintii labaad waxa ay caasimada Somaliland ee Hargeysa ay ka wadaa hawl-gal dawlada ay ku ururinayso xoolaha nool gaar ahaan Geela dhex jooga caadimada.

Halgalkan dawlada Hoose ayaa lagu soo qabqabtay Geel tiro badan labadii cisho ee u dambeeyey kadib markii uu dhamaaday xiligii loo qabtay in dadka lehi ay kaga saartaan xoolaha nool magaalada Hargeysa.

Dawlada hoose ayaa caasimada ka diyaarisay goob lagu hayo Geelaas ay soo qabteen, iyadoo hawl-galkaasina sida ay sheegeen uu socon doono illaa inta magaalada laga wada saarayo Geela joogga.

Amarkan ayaa iyana waxa ku jirtay in xili cayiman oo aan weli la gaadhin magaalada lagaga saaro Adhiga iyo Lo’da.

Waxaanay talaabadani ku sheegtay Dawlada Hoose inay wax ka tari doonto Bilicda Caasimada oo ay dadka, xoolaha iyo gawaadhiduba ay dhex socdaan.

Connect with us on Facebook