Latest News

Dawlada Maraykanka Oo Lacag Malaayiin Dollar Ah Duldhigtay Madaxa Laba Nin Oo Kenyan Ah

Nairobi, Kenya, June 1, 2022 (Haatufonline) – Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay siinayso lacag abaal-marin ah oo gaadhaysa $1 million oo dollar midkiiba cidii sheegta macluumaad ku saabsan laba nin oo Kenya u dhashay oo loo haysto inay ka ganacsadaan daroogada iyo duurjoogta.

Labadan nin ee dawlada Maraykanku madaxooda ay dul dhigtay midkiiba halka milyan oo dollar ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Badru Abdul Aziz Saleh iyo Abdi Hussein Ahmed, kuwaas oo eedaha loo haysto ay ka mid yihiin tahriibinta ugu yaraan 190 kiilogaraam oo geesaha Wiyisha ah iyo ugu yaraan toban tan oo Fool-Maroodi ah oo lagu qiimeeyay in ka badan $7 milyan oo dollar. Halka sidoo kale ay ku eedaysan yihiin ka ganacsiga iyo tahriibinta daroogada Heroin ah.

Safaarada maraykanka ee dalka Kenya ayaa sheegtay “Dabargoynta daroogada iyo ka ganacsiga duurjoogta ayaa ah mudnaanta Maamulka Biden. Waxaan uga mahadcelineynaa wadashaqeynta joogtada ah ee Dowladda Kenya si loo soo qabto loona xidho xubnaha shabakadahan dembiilayaasha ah” ayuu yidhi warsaxaafadeed ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Nairobi.

Sidoo kale Labadan Nin ee Badru Abdul Aziz Saleh iyo Abdi Hussein Ahmed ayaa laga dacweeyay dalka Maraykanka sanadkii 2019-kii, waxaana hay’adda booliska caalamiga ah ee Interpol ay soo saartay amar xadhigooda la xidhiidha.

Dowlada Maraykanka ayaa dooneysa inay gacan ka siiso dowlada Kenya sidii loo ciribtiri lahaa dambiyada la xidhiidha ka ganacsiga daroogada iyo Duurjoogta.

Connect with us on Facebook