Latest News

Dufcadii 2aad Ee Ardayda Somaliland Ee Deeqda Waxbarasho Ka Helay Dalka Taiwan Oo La Shaaciyey

Hargeysa, August 17, 2022 (Haatufonline) – Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qaybgalay Munaasibad lagu shaacinayey Dufcadii labaad ee Ardayda  Somaliland ee Dalka Taiwan ka hesha deeqda waxbarasho.

Ardaydan oo baran doona heerka labaad ee waxbarashada ayaa qaadan doona science, agriculture, medicine, ICT, engineering, iyo kuliyado kala duwan oo kale.

Waxaana Munaasobad lagu gudoonsiinayey deeqdan waxbarasho ee ay hrleen ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socota Somaliland iyo Taiwan.

Somaliland iyo Taiwan oo ah laba dal oo aan wali caalamku aqoonsan ayaa xidhiidh diblomaasiyadeed yeeshay laba sanadood ka hor oo ay isdhaafsadeen safaarado ay ka kala furteen labada caasimadood.

Connect with us on Facebook