Latest News

Gaadhi Wayn Ooy Walxaha Qarxa Ku Rakibayeen Oo Galaaftay 59 Alshabaab Ka Tirsan

Muqdisho,June 8,2021(Haatufonline)-59 qof oo iskugu jira saraakiil iyo askar ka tirsan ururka Alshabaab ayaa shalay galab ku dhintay qarax ka dhacay guri ay ku jireen oo ka koobnaa 11 qol kuna yaalay meel qiyaas ahaan 65 km galbeedka kaga beegan magaalada Qoryoolay ee gobolka Shabeellada Hoose. Siday saraakiil ka tirsan ciidamada Somalia sheegeen qaraxan ayaa ka dhashay gaadhi wayn oo ay argagixisada Alshabaab ku xidh xidhayeen waxyaabaha qarxa kaasoo iyaga laftoodii ku qarxay.

Warkan oo lagu baahiyey warbaahinta ciidanka Somalia ayaa waxa uu intaas ku daray in ilaa 6 sarkaal oo ajaanib ahi ay ku dhinteen qaraxaas kuwaasoo la sheegay inuu ka mid ahaa nin reer Afgaanistaan ah oo la odhanjiray Axmad Shariif ama Abu-bilaal iyo nin reer Yeman ah oo loogu yeedhi jiray Khaalid.

Qaraxan oo burburiyey gabi ahaanba gurigii waynaa ee ay Alshabaab ku sugnaayeen waxa kale oo ku geeriyooday haweenay goobta maraysay iyo ilmo yar oo la socday.

Connect with us on Facebook