Latest News

Hogaanka Xisbiga UCID Oo Kulan La Qaatay Safiirka Cusub Ee Midawga Yurub

Hargeysa, November 30, 2021 (Haatufonline) – Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, oo ay weheliyaan masuuliyiin sare oo ka tirsan Xisbiga UCID, ayaa maanta Magaalada Hargaysa kulan kula qaatay Wafdi ka socda Midawga Yurub.

Weftiga Midawga oo ay hogaaminaysay Safiirka Cusub ee Midowga Yurub u soo magacaabay Somaliland iyo Somalia Tiina Intelman ayaa lagaga wada hadlay, xaaladda Guud ee Geeska, Abaaraha iyo Arrimaha Doorashooyinka Somaliland.

Sidoo kale weftiga Safiirka Midawga Yurub oo socdaal ku timid Somaliland maalintii shalay, ayaa la kulantay xisbiga Talada haya ee Kulmiye.

 

Connect with us on Facebook