Latest News

Jabhada Tigrayga Oo Qabsatay Saddex Magaalo Oo Ka Tirsan Canfarta Iyo 54,000 Qof Oo Ka Barakacay Guryahooda

Addis Ababa, July 22, 2021 (Haatufonline) – Wararka ka imanaya deegaamada gobolka Canfarta ee dalka Ethiopia ayaa sheegaya in Jabhada Difáaca Tigrayga ay qabsadeen saddex magaalo oo ka tirsan Canfárta ka dib dagaal todobaadkan halkaasi ku dhexmaray sida uu sheegay Ahmed Koloyta, oo ah Afhayeen u hadlay deegaanka gobolka Canfarta ee dalka Ethiopia.

Dagaalkan ku sii fidaya dalka Ethiopia ayaa sidoo kale waxa wararaku sheegayaan in dagaaladan u dambeeyey ee dhexmarayey Tigrayga iyo Canfarta ay ku barakaceen dad tiradoodu ka badan tahay 54,000 qof.

Dhinaca kale waxa maanta isku soo baxyo ka sameeyey Addis Ababa tobanaan kun oo qof oo taageero u muujinayey Raysal Wasaare Abiy Ahmed oo cambaarayn xoogle kala kulmaya sida uu u wajahayo dagaalkan iyo degenaansho la’aantan ku sii fidaysa dalka labaad ee ugu dadka badan qaarada Afrika.

Connect with us on Facebook