Latest News

Boqolaal Dhalinyaradii Eritrea Ku Maqnaa Ah Oo Dagaalkii Tigray Ku Dhintay Iyo Laba Ka Mid Ahaa Oo Diridhaba Soo Gaadhay

Diridhaba,June 29,2021(Haatufonline)-Boqolaal is mid ah dhalinyaradii loo qaaday dalka Eritrea inay tababar ciidan kusoo qaateen ayaa la soo werinayaa inay ku Dhinteen dagaaladii ka qarxay gobolka Tigray bishi November 2021.Laba ka mid ah dhalinyaradaas dalka Eritrea ku maqnaa ee la waayey ayaa soo gaadhay magaalada Diridhaba ee ku taala bariga Itoobiya.Labadan qof ayaa waxay ka mid ahaayeen ilaa shan kun oo dhalinyaro ah oo xukuumaddi madaxweynahii mudo-xileedkiisu dhamaaday ee Farmajo horaantii 2019 u dirtay dalka Eritrea si ay tababar milatari ugu soo qaataan.Dhalinyaradaas intii ka hadhay ayaan ilaa hadda la ogayn meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.

Connect with us on Facebook