Latest News

Madaxweyne Mustafe Muxumed Omar Oo Kulan La Yeeshay Saraakiisha Amaanka U Qaabilsan Dawlad Deegaanka

Jigjiga, November 1, 2021 (Haatuf online) – Madaxweynaha Dawladd Deegaanka Soomaalida Mr. Mustafe Muxummed Omar ayaa kulan la yeeshay saraakiisha hay’adaha amaanka u qaabilsan.

Kulankan dhexmaray Madaxweynaha iyo hay’adaha amaanka ee Dawladd Deegaanka Soomaalida ayaa lagaga hadlay, dhawr arimood oo ay ka mid yihiin Amaanka dadka shacabka ah, ammaanka guud ee dalka iyo sugida xuduudaha oo ay ka mid tahay la dagaalanka Al-shabaab.

Kulankan ayaa lagu sheegay inuu qayb ka yahay kulanada caadiga ah ee ay yeeshaan guddida amaanka dawladd deegaanku oo uu gudoomiye ka yahay Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar.

Hase yeeshee, kulankan ayaa ku soo beegmaya xili dalka Ethiopia uu cagaha la sii galayo dagaal sokeeye oo si balaadhan ugu fida dawladd goboleedyada dalka Ethiopoa iyo dagaalka u dhexeeya dawlada Federalka iyo Jabhada TPLF oo sii xoogaysanaya.

Waxaana jirtay maalmihii u dambeeyey deegaano iyo magaalooyin ay jabhada TPLF ka qabsanaysay Ciidamada Federalka oo ku yaala gobolka Amharada.

Connect with us on Facebook