Latest News

Maraykanka Oo Laba Todobaad Wax Ka Yar Duqayntii Saddexaad Ku Bartilmaameedsaday Al-Shabaabta Somalia

Qeycad, August 1, 2021 ((Haatufonline) –Dowladda federalka Soomaaliya oo taageero ka helaysa ciidamada Maraykanka ayaa dagaal iyo duqayn ka wada deegaanka Qeycad ee gobolka Mudug, halkaas oo farriisimo culus ay ku leeyihiin Alshabaab.

Dagaalka ayaa bilowday kaddib markii ciidanka xoogga dalka iyo daraawiishta Galmudug ay weerar ku ekeeyeen goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Al-shabaab oo horay looga raacdeeyay deegaano badan oo dhaca bariga iyo koofurta gobolka Mudug.
Saraakiisha howlgalka hogaamineysa ayaa sheegay in ay ka cirib tirayaan Alshabaab deegaanada koonfurta Mudug oo ay muddo dheer gacanta ku hayeen isla markaana shacabka gobolka Mudug laga dulqaado dhibaatada ay ku hayaan,  waa sida ay sheegeen saraakiisha dowladda.
Dagaalka ayaa hadda socda iyadoo ciidanku guulo hordhac ah ka sheeganayaan, balse ma jirto warar madax bannaan oo sheegaya khasaaraha dhabta ah ee dagaalka ka dhashay.

Waxaa aad u adag in macluumaad dheeraad ah laga helo sababa la xidhiidha isgaadhsiinta oo u adag iyo deegaannada lagu dagaalamayo oo horay looga baraakacay dagaalladii hore awgood.

Connect with us on Facebook