Latest News

Mudaaharaadkii Oo Dhamaaday Iyadoon Faysal Iyo Cirro Midna La Hadal Dadki Usoo Baxay

Hargeysa,August 11,2022(Haatufonline)- Banaanbax ay hogaamiyeyaasha labada xisbi mucaarid ee Ucid iyo Wadani ugu baaqeen taageeroyaashooda ayaa maanta ka dhacay caasimadda Somaliland ee Hargeysa waxaanu dhamaaday iyada oo murashaxa madaxweynaha xisbiga Wadani Cirro iyo guddoomiyaha Ucid Faysal Cali Waraabe midkoodna dadki usoo baxay kala hadal ujeedadi mudaahaaraadka loo qabtay.

Banaanbaxan ayaa markiiba isku rogay fawdo iyo dhagaxtuur lala beegsanayo ciidanki bilayska ee ilaalinayey nabadgelyadooda waxaana ka dhashay dhimasho 2 qof oo rayid ah iyo dhaawacyo qaar halis yihiin oo soo gaadhay 63 ka tirsan ciidanka Bilayska.Waxa kala oo la sheegay in dad rayid ahi ay ku dhaawacmeen mudaaharaadkaa.

Connect with us on Facebook