Latest News

NISA Oo Shaacisay Inuu Jiro Qorshe Lagu Khaarajinayo Madaxweynaha Iyo Raysal Wasaaraha Somalia

Muqdisho, April 5, 2022 (Haatufonline) –  Hayadda nabadsugida Somalia ee NISA ayaa sheegtay in amniga Raysal Wasaaraha iyo Madaxweynaha Somalia uu khatar ku jiro, NISA waxa ay intaasi ku dartay in laga cabsi qabo in ururka Alshabaab uu weeraro ku qaado madaxda ugu saraysa Somalia, Sida lagu sheegay Qoraal ka soo baxay NISA oo la soo dhigay barta Twitterka ay ku leeyihiin, kaas oo ay ku sheegeen in madaxda Somalia ugu saraysa ay ku siinayaan warbiin ku saabsan khatar ku maleegayaan maafiyada Al-shabaab ay ku doonayaan inay ku beegsadaan madaweynaha iyo Raysal Wasaaraha, sida lagu sheegay warbixinta NISA taas oo intaa ku dartay in Maxamed Maahir oo ah dhagarqabe ka tirsan Al-shabaab uu wado fulinta qorshahaasi, isla markaana ay ku daba jiraan.

Tan iyo intii uu soo baxay warkani ayaa waxa ka dhashay walaac cusub oo dhinaca amniga ah oo soo foodsaartay Somalia.

Wararku waxay intaa ku darayaan in xafiisyada Raysal Wasaaraha iyo madaxweynaha ay ka socdaan kulano lagaga hadlayo khatartan amni ee ay ku dhawaaqday hayada NISA.

Connect with us on Facebook