Latest News

Qadar Dawladda Kaliya Ee Si Rasmi Ah Ugu Dhaqanta Wahaabiyadda Iyo Walaaca Bulshada Somaliland Ka Qabto In Hayadahooda Dalka Soo Degaan

Hargeysa,May 3,2021(Haatufonline)-Dawladda Qadar ayaa la filaya inay dhawaan xafiis Diblomaasi ah ka furato Somaliland isla markaana ay hayadaha samofalka ee Qadar soo dagaan dalkan.Waxa sidaas ku waramay wafdigii reer Qadar ee uu hogaaminayey Mutlaq Maajid Al-Qaxdaani oo ah ergayga wasiirka Arimaha Dibadda ee Qadar u qaabilsan dhexdhexaadinta qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhaca dalalka kale.

Ma jirin wax xidhiidh oo ka dhaxeey Somaliland iyo  dawladda Qadar oon aheyn mucaawimooyin qarsoodi ah ooy Qadar siin jirtay shakhsiyaad gaar ah oo reer Somaliland ah waayo sodonkii sanadood ee ay Somaliland jirtayba Qadar waxay iskeed iskaga dhaadhicisay inay Somaliland la colowdo.Waliba intii uu Farmaajo noqday madaxweynaha Somalia waxay Qadar ku dhaqmaysay siyaasad ay rabtay inay  ku wiiqdo xasiloonida gudaha Somaliland taasoo ay kharash badan oo ay Fahad Yaasiin soo marin jirtay ku bixin jirtay.

Dawladda Qadar waxay noqotay dalka kaliya ee uu maanta  kusoo hadhay madhabka Wahaabiyaddu Karin markii uu falki labayn jiray ee Sucuudigu ka baxay mabda’aasi.Sababta aanay Qadar u jeclaysan Somaliland waxay la xidhiidhaa nidaamka Somaliland oo ah mid dimuqraadi ah oo ay shacbiga Somaliland iyagu samaysteen diyaarna u aheyn inay Wahaabiyadda Qadar ku badashaan.

Sidaas darteed Qadar waxay culayska saartay Somalia halkaas oo ay fursaddi ka banaysatay ilaa xad ay doorashadii labadii madaxweyne ee Somalia ee u dambeeyey ay iyadoo ka dambaysay.Hasayeeshee Qadar waxay ku fashilantay siyaasadii Somalia ee ay sida indho la’aanta ula safnayd una taageeraysay Farmaajo waxaanay maanta doonaysa inay iska gaadho ceebta iyo cadaawadda ka raacday  fashilkaa.

Sida la ogsoonyahay Qadar meelkasta oo ay joogto iyo ficilkasta oo ay ku talaabsatò waxa u sal ah inay fidiso mabda’ Wahaabiyadda waxaanay u adeegsataa lacag sidii ay dalalka Muslimka ah gaar ahaan kuwa ismaandhaafka siyaasadeed ka taaganyahay uga hirgalin laheyd dawlado ku dhaqma manhajkaa taasoo inta badan bulshooyinka ka dhex  abuurta qalalaase iyo cunfi.

Hadaba bulshada Somaliland ayaa walaac xoog leh ka muujisay hayadaha samofalka ee ay leeday dawladda Qadar ee ay doonayso inay Somaliland ka hawlgalaan sababtoo ah albaabka ay dawladda Qadar kasoo gasho bulshada ay rabto inay jaahwareeriso ayaa ah hayadaheeda samofalka sida Qadar Al-Khayriya taasoo adii aan laga diktoonin dalka u horseedi karta qalalaase,iska-horkeen diineed iyo nabagelyo darro.

Connect with us on Facebook