Latest News

Sii Haysashada Xijaar Iyo Biixi Xilalkooda Waxay Carqalad Ku Tahay Xasiloonida Xamar Iyo Doorasho Qabsoonta

  • Muqdisho,May 4,2021(Haatufonline)-Dadaalada loogu jiro in dalka Somalia ay doorasho dadbani si silmiya oo xor ah uga qabsoonto ayaa waxay ku xidhantahay in marka hore magaalada Muqdisho laga dhex abuuro jawi degenaanshe iyo is-aminaad ah maa daama u jiro shaki iyo colaad kala dhex yaala dhinacyadda siyaasadda isku haya ee Xamar wada jooga kuwaaso u kala qaybsan xoogaga mucaaridka oo dhinac ah iyo madaxweynaha mudo-xileedkiisu dhamaaday M.C.Farmaajo oo dhinaca kale ah.

Shaki kuma jiro in iska-horimaadyadii ciidan ee dhawaan Muqdisho ka dhacay iyo mudadii dheereed ee khilaafka doorashadu soo taagnaa darteed ay luntay kalsoonidi mucaaridka iyo shacabka Muqdisho iyo guud ahaanba ka Somalia ay ku qabeen Farmaajo iyo madaxda ciidamada milateriga,booliska & sirdoonkuba.

Hadaba si kalsoonidii iyo is-aaminaadii loosoo celiyo waxa lagama maarmaan ah in la badelo taliyeyaasha ciidanka ee fartu ku godan tahay sida Xijaar iyo Tahiil Biixi taasoo wax badan ka tari karta inay fududayso isu-soo dhawaanshaha iyo is-faham dhex mara dhinacyada siyaasadda ee uu murashax Farmaajo ka mid yahay .

Connect with us on Facebook