Latest News

Somaliland Oo Hambalyeysay Barbados Oo Madaxbanaanideeda Heshay

Hargeysa, December 2, 2021 (Haatufonline) – Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhambaal hambalyo ah u dirtay Barbados oo u dabaal degaysa madaxbanaanida loogu aqoonsaday dal ahaan.

Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland oo soo saartay war-saxaafadeed ayaa sheegtay inay u rajaynayso shacabkeeda iyo madaxda Bar ados in ay si wanaagsan u gutaan socdaalkooda ku wajahan madaxbannaanida qaranimadooda.

Dalkan oo ah Jasiirad ku Taala bariga Caribbean ayaa maalintii shalay u dabaaldagay madaxbanaanidiisa.

Connect with us on Facebook