Latest News

Taiwan Oo Dib U Dhis Iyo Casriyeyn Balaadhan Ku Samaynaysa Cisbitaalka Hargeysa

Hargeysa, October 21, 2021 (Haatufonline) – Shirkadda dhismaha ee CECI Engineering Consultancy oo ah shirkad laga leeyahay dalka Taywaan oo ay hor kacayaan Safiirada labada dal ee Somaliland iyo Taywaan Amb Mohamed Hagi iyo Allen C. Lou ayaa kulan la qaatay Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Hon. Liban Yusuf Osman.

Kulan waxa laga ga lagu lafaguray sidii uu habsami ugu bilaabmi lahaa mashruuca dib u dhiska iyo casriyeynta Cisbitaalka Guud ee Hargeysa oo si weyn ay Dawladda Taywaan u casriyeyn doonto iyada oo heerka (standard) cisbitaalka la gaadhsiin doona meel aad u sarraysa qalab ahaan, farsamo ahaan iyo dhinacyada adeegga caafimaadka iyo dhismaha cisbitalkaba.

Cisbitaalka Hargeysa waxa lagu sameyn doonaa dib u dhis aad u ballaadhan. Sidoo kale waxa dib loo habayn doonaa maamulka iyada oo qalab casri ah oo u shaqeeya si digital ah la dhigi doona, isla markaana maamul caafimaad oo tayadiisu sarrayso laga hirgelin doona. Mashruuca oo bilaabmi doona sannadka dambe waxa uu socon doonaa muddo shan sano. Mashruuca oo yeelan doona phase II ama waji labaad ayaa dib loo cusboonaysiin doonaa marka ay muddadani dhammaato.

Connect with us on Facebook