Latest News

Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Ka Jawaabay Warqad Xisbiyada Mucaaridku Ku Dalbanayaan Mudaharaad

Hargeysa, May 28, 2022 (Haatufonline) – Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa Si ka Jawaabay Warqad Ay Soo Qoreen Xisbiyada Mucaaradka, taas oo ay wasaarada ku ogaysiinayaan mudaharaad ay qaban doonaan.

Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaabsheegay in aanay warqadan dhamaystirnay isla markaana aanay ku qornayn goorta la qabanayo mudaharadka, halka lagu qabanayo iyo sababta loo qabanayo toona.

Sidoo kale Maxamed Kaagin waxa uu sheegay in warqadaasi aanay ku saxeexnayn gudoomiyeyaasha xisbiyada, isla markaana aanay iyagu soo gudbin si ay uga wada hadlaan arintaasi.

Connect with us on Facebook