Latest News

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Amar Ka Soo Saaray Korodhka Qiimaha Laydhka

Hargeysa, June 8, 2022 (Haatufonline) – Wasaarada Arrrimaha Guddaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed ayaa go’aan ka soo saaray uu ku mamnuucayo koradhkii Shirkadaha laydhku ay ku kordhiyeen qiimaha laydhka.

Wasiir Maxamed kaahin ayaa amar ku bixiyey in la joojiyo korodhka qiimaha laydhka ee bishii May ay shirkaduhu ku kordhiyeen, waxaanu ciidanka booliiska iyo guddoomiyayaasha gobolada Somaliland uu fartay in ay joojiyaan qiimaha laydhka ee shirkaduhu kordhiyeen, inta amar dambe ka soo baxayo.

Shirkadaha ayaa hor uga dhago adaygay amar kasoo baxay Koiishanka Tamarta Somaliland oo ay ku hakinayso korodhkaasi qiimaha laydhka ee shirkaduhu ay ku dhaqaaqeen.

Shirkadaha Laydhka Somaliland gaar ahaana kuwa caasimada Hargerysa ka hawlgala ayaa ayaa qiimaha laydhka ka dhigay 1kwt $0.84, halka uu markii hore ahaan jiray 1kwt $0.5.

Connect with us on Facebook