Latest News

Wefti Uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland Oo Safar Ugu Baxay Gobolka Sanaag

Hargeysa, June 12, 2022 (Haatufonline) – Wefyi balaadhan oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa safar Shaqo oo dhinaca cirka ah ugu kicitimey Magaalo madaxda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.

Safarka Madaxweynaha ayaa la xidhiidha hawl maalmeedkiisa shaqo, waxaana Madaxweynaha Safarka ku wehelinaayey Gudoomiyaha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Saleebaan Maxamuud Aadan, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Xildhibaano ka tirsan labada gole, xubno kamida Golaha Wasiirada.

Safarkiisa Shaqo ee Madaxweynuhu uu baxay Gobolka Sanaag ayaa qaadan doona maalmo uu halkaasi u joogi doono isaga iyo waftigiisu hawlo shaqo.

Connect with us on Facebook