Latest News

Xasan Sheekh Hala Yimaaddo Siyaasad Uu Wax Kaga Qabanayo Dhulboobki Beerolayda U Firxiyey Xagga Alshabaab.

Muqdisho,May 20,2022(Haatufonline)- Madaxweynaha cusub ee Somalia Xasan Sh Maxmuud waxa uu sheegay in la-dagaalanka Alshabaab ka midyahay arimaha u mudnaanta siin doono.Waa arin fiican.Waayo dhibaatada ugu weyn ee Somalia haysataa waa Alshabaab taasoo ay madaxda Somalia indhaha ka lalin jireen oo halki ay bartilmaameed ka dhigan lahaayeen inay dalkooda ka xoreeyaan argagixisada ay waxyaabo kale kaga mashquuli jireen.

Laakiin Alshabaab maaha ciidan meelo cayiman lagu ogyahay oo qudha oo dabeeto lagu muquunin karo weeraro militari oo dhul iyo cirba leh.Alshabaab waa urur deegaano balaadhan oo beeroleey u badan ku dhex nool oo xukuma. Alshabaab waxay Deegaanadaasi ka helaan laba arimood oo jiritaankoodu ku dhisanyahay ah oo kala ah 1) dhalinyaro ay ciidan ka dhigtaan oo ay ka qortaan iyo dhaqaalaha ay hawlahooda ku kala wadaan oo ay cashuur ahaan dadka uga qaadaan.

Hadaba hadii aan la is-indho tirayn waxa jira dad badan oo beerolaydaa ka mid ah oo dantoodi ku qasabtay inay raali ka noqdaan joogitaanka Alshabaab ee dhexdooda kadib markii ay arkeen dhulboobka hubaysan ee gobolada kale laga soo abaabulay ee ku habsaday deegaanadi ay jaarka ahayeen iyo sida aan wax dhulboob ahi uga dhicin degmooyinki ay Alshabaab ka talinayeen.

Hadaba Xasan Sheekh Maxmuud waxa la gudboon inuu marka hore joojiyo oo aanu dib u dhicin waxa dhulboob ah isla markaana uu wax ka qabto boobki horee dhacay oo uu ka badheedho inuu deegaanada labada wabi u dhaxeeya kasoo saaro dadka aan u dhalan ee xoogga kula wareegay beerihi dadka Digil iyo Mirifle,Dir,Jareerweyne iyo dadyowga kale ee aan hubaysnayn.

Murtidu waxa weeye Alshabaab lagama guulaysan karo ilaa iyo inta lagala wareegayo dadka shicibka ah ee dantooda u arka inay Alshabaab is-dugsadaan si aan dhul beereedkooda looga boobin.

Connect with us on Facebook