Latest News

Xisbiyada Mucaaridka Oo Sheegay Inaan Wax Is-Afgarad Ah Laga Gaadhin Kulan Ay La Yeesheen Xukuumada

Hargeysa, May 24, 2022 (Haatufonline) – Kulan ay caawa yeesheen Xukuumada iyo Xisbiyada Mucaaridka Somaliland ee UCID iyo Waddani ayaan wax is-afgarad ah laga gaadhin, sida ay shaaciyeen Masuuliyiinta Xisbiyadaasi.

Kulanka ayaa la sheegay in labada xisbi Mucaarid ay la yeesheen Xukuumada uu hoggaamiye Madaxweyne Muuse Biixi, kaas oo ujeedadiisu ahayd in lagaga wada hadlo arimo la xidhiidha doorashada iyo furista ururada siyaasada.

Hase yeeshee ma jirin wax natiijo ah oo laga gaadhay kulanka caawa sida uu sheegay Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ah Gudoomiyaha xisbiga Waddani “Kulankii caawa ee Xisbiyada mucaaradka iyo Xukumadda dhammaan qodobadii doorashada ee aanu ka wada hadalnay ma jiro wax is afgarad iyo heshiis ah oo aanu ka gaadhnay noomanay muuqan wax dambe oo wada hadal ah oo la isugu soo noqdo..”

Dhinaca xukuumada ma jirto wax war ah oo ka soo baxay ilaa hadda oo ku saabsan kulanka caawa ay la yeesheen xisbiyada Mucaaradka ee Waddani iyo UCID.

Connect with us on Facebook