Latest News

Tokyo:Orodyahan Axmed Maxamed Oo U Orda Kanada Balse Asal Ahaan Kasoo Jeeda Somaliland Oo Ku Guulaystay Kaalinta 2aad Orodka 5000 Mitir

Tokyo,August 6, 2021(Haatufonline)-Orodyahanka reer Kanada Maxmed Axmed ayaa maanta ku guulaystay kaalinta labaad orodka 5000 mitir ee ragga ciyaaraha Olympic-ga ee ka socda caasimadda dalka Japan ee Tokyo.Orodyahankan oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Somaliland ayaa iyadoo wax yar ka hadhsanyahay wareegii u dambeyey ee orodka kasoo dhex mudh yidhi orodyahanadi kale isagoo dadajiyey talaabooyinkii orodka ee uu ku cararayey waxaanu yimid sagka xagiisii hore halkaasoo uu kaga horeeyey oo kaliya orodyahanka u dhashay dalka Uganda Jishua Cheptegei.
Maxamed Axmed oo isku dayaya inuu gaadho oo u dhaafo Cheptegei ayaa ninkii reer Uganda ka hor gaadhay khadkii dhamaadka baretanka sidaasna waxa uu Axmed ku mutaystay jaaiisada biladda Silver ka ah ee kaalinta 2aad waxaanu ku dhameeyey 12:58:61 halka uu Cheptegei haleelay biladii Dahabka aheyd waqtigiisuna ahaa 12:58:15.
Waxaseh xusid mudan in orodyahan Maxamed Axmed intii uu ordayey oo dhan uu gacantiisa ku xidhnaa giraan u ku xardhanyahay calanka Somaliland.

Connect with us on Facebook