Latest News

Somaliland Oo si adag u cambaaraysay faragelinta Dawladda Turkiga.

Hargeysa, August 18, 2025 (Haatufonline) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa u yeedhay Qunsulka Guud ee Jamhuuriyadda Turkiga ee Hargeysa, kadib markii la xaqiijiyey warar ku saabsan kulan ka dhacay Muqdisho oo dhexmaray Safiirka Turkiga iyo shakhsi lagu ogyahay inuu ku lug leeyahay falal lid ku ah amniga iyo qaranimada Somaliland.

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay u aragtaa tallaabadan faragelin cad oo aan marnaba la aqbali karin. Sidaas awgeed, Dawladda Somaliland waxa ay si rasmi ah uga dalbatay Safiirka Turkiga inuu bixiyo sharaxaad degdeg ah oo lagu qanci karo, kuna saabsan sababta ku keliftay ficilladan la xidhiidha faragelinta iyo carqaladaynta amniga Somaliland.

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay mar kale caddeynaysaa inaanay marnaba aqbali doonin ficillo wax u dhimaya madax-bannaanideeda, amnigeeda, ama danaha qaranka ee ay leedahay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*