Kulan Aqoon Is-weydaarsi Ah Oo Hargeysa Loogu qabtay Madaxda cusub ee Hayโadaha Dawladda.
Hargeysa, August, 2025 (Haatufonline)- Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta daah-furay kulan aqoon is weydaarsi loo qabtay Madaxda cusub ee Hayโadaha madaxa bannaan ee Dawladda.
Kulankan oo ahmiyad weyn u leh dib-u-habeynta Hayโadaha Qaranka, wada-shaqaynta hufan ee dhexdooda iyo Maamulka Wanaaga, ayaa Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay xoojinta dhaqanka masuuliyadda, isaga oo madaxda cusub ee hayโadaha madaxa bannaan ku booriyey in la ilaaliyo isla xisaabtanka, daah-furnaanta, hufnaanta iyo kalsoonida shacabku uu ku qabo maamulka Dawliga ah.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu u sheegay madaxda cusub ee hayโadaha Dawladda ee madaxa bannaan in Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad aanay haba yaraatee u dul qaadan doonin Musuqmaasuqa iyo wax-is-daba-marinta.
Tabobarkan oo ay si wadajir ah u soo diyaariyeen Wasaaradda Madaxtooyada, Hayโadda Shaqaalaha Dawladda, Komishanka Maamul-wanaagga iyo Jaamacadda Hargeysa oo lagu qabtay Hoolka weyn ee Ciidanka Booliska JSL, ayaa ahaa mid seeska loogu dhigayo qorshaha shaqo iyo Isteraatiijiyadda hufan ee la doonayo in ay raacaan masuuliyiinta cusub ee dhawaan ka midka noqday Xukuumadda WADA-JIR iyo WAXQABAD.
Dhinaca kale, Wasiirrada Wasaaradaha Madaxtooyada, Mudane Khadar Xuseen Cabdi iyo Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Mudane Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu tababarkani Qaranka leeyahay iyo midhaha la rabo in ay kasoo goโaan, waxana ay kula dardaarmeen masuuliyiinta fursaddan heshay in ay dedaal geliyaan sidii ay shaqadooda uga muuqan lahayd aqoonta iyo maxsuulka ay tabobarkan ka korodhsadaan.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in masuuliyiinta la siin doono aqoon ka anfacda wada-shaqaynta hufan ee Xukuumadda dhexdeeda iyo waxyaabaha lagama maarmaanka u ah Hayโad kasta iyo arrimaha u qorshaysan ee ay hiigsanayso.
Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa uu booqday Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Booliska JSL, waxana uu warbixin qoto dheer oo la xidhiidha waxyaabaha u qabsoomay Ciidanka Booliska muddadii ay Xukuumaddu jirtay uu ka dhegaystay Taliyaha Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan (Cabdi-dheere), kaasi oo Madaxweynaha siiyey warbixin faah-faahsan oo la xidhiidha shaqada Booliska, waxana Madaxweynuhu uu ka maqadnaqay dedaalka ay Boolisku ugu jiraan ilaalinta amniga iyo xasilloonida bulshada.
Leave a comment