Madaxweynaha Somaliland Oo Lagu Martiqaaday Minaasibad Lagu Qabanayo Baarlamaanka UK
Hargeysa, February 24, 2026 (Haatufonline) -Madaxweynaha Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa lagu martiqaaday munaasabad heer caalami ah oo ay martigelinayso Westminster Africa Business Group, taasoo ka qabsoomi doonta Aqalka Baarlamaanka UK.
Madaxweynaha Somaliland ayaa fadhigaas ka jeedin doona khudbad muhiim ah oo diiradda saaraysa fursadaha maalgashi ee Somaliland, horumarinta ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta iyo koboca gobolka Geeska Afrika. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu kulamo gaar ah la qaadan doonaa maalgashadeyaal, shirkado waaweyn oo caalami ah iyo masuuliyiin heer sare ah.Kulankan ayaa xoojinaya sumcadda iyo muuqaalka caalamiga ah ee Somaliland, isla markaana furaya albaabo cusub oo maalgashi iyo iskaashi ganacsi. Waxa la filayaa in fursadahani ay si toos ah uga faa’iidaystaan muwaadiniin badan oo reer Somaliland ah, iyada oo la abuuri doono fursado dhaqaale oo waara.
Leave a comment