War cusub oo kasoo kordhay nin reer Somalia ah oo lagu dilay duqayn ka dhacday dalka Yemen
Haatufonline,Febrauary 24,2026
War cusub ayaa kasoo baxay nin u dhashay dalka Somalia oo ka tirsanaa Alshabaab oo lagu dilay duqayn ka dhacday dalka koonfurta Yemen 12 kii bishan iyadoo aanu hore u sheegnay inuu sitay baasaboor Yemeni ah oo magaciisa ku qorani yahay Cabdulqaadir Yaxye Cali Axmad Al-zabiidi,baasaboorkaas oo uu ka qaatay Sanca 12/6/2023.
Waxase haatan soo baxay xogo cusub oo sheegaya in isla ninkaasi sitay baasaboor kale oo uu 18/2/2025 ka qaatay dalka Somalia magaciisa ku qoranina yahay Cabdishakuur Shariif Cali.
Sidaanu hore u sheegnay ninkan waxa lagu dilay xeebta magaalad Al-Qaydah ee gobolka Al-Mahra ee bariga koonfurta Yemen iyadoo loo tirinayo inuu ahaa sarkaal sare oo ka shaqeeya isku xidhka kooxaha Alshabaab,faraca Alqaacida ee Yemen (AQAP) iyo Xuutiyiinta.
Hadaba xogo cusub oo laga helay iloo ku dhaw dhaw laamaha amniga iyo kuwo laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegaya in isku-xidhaha sadexda kooxood uu dhawr maalmood ka hor uun soo gadhay Al-Qaydhah isagoo ka yimid dalka Somalia iyadoo duqaynta lagu dilay xili uu ku jiray baabuur ku diiwaan gashan magaca nin Soomaali ah oo deggan dalka Yemen.
Ilo wareedyada xogahan dheeraadka ah laga soo xigtay waxay intaas ku darayaan in dad Soomaali ah oo qaabilay ninka la dilay la xidhay, kuwaasoo ay gacanta ku dhigeen ciidamada amnigu si loo baadho.
Warbixinadu waxay xuseen in weerarka lagu dilay sarkaalka la sheegay inuu ka tirsanaa Alshabaab uu ka mid ahaa duqaymo taxane ah oo lala beegsanayo xubnaha Alqaacida ee ku sugan dalka Yemen.
Leave a comment