Latest News

Somaliland Iyo Israaiil Oo Dardar-galinaya Xidhiidhkooda Diblomaasiyadeed Ee Bilaabmay.

Hargeysa, February 25, 2026 (Haatufonline) – Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta Dr. Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud u magacaabay in uu ahaado Safiir buuxa ee idman (Extraordinary and Plenipotentiary) oo Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dawladda Israa’iil. Safiirkan ayaa leh dhammaan haybadda, awoodaha, xuquuqaha iyo waajibaadka ku xusan xilkaas, si waafaqsan Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, xeerarka dalka u yaalla, iyo qawaaniinta caalamiga ah ee diblomaasiyadda ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland.Xidhoidhkan diblomaasiyadeed ee Somaliland iyo Israaiil ayaa marba marka ka dambaysa sii xoogaysanayey tan iyo markii Israaiil aqoonsatay Somaland 26kii December ee sanadkii hore.

Aqoonsigaasi oo ay daba socotay safarkii diblomaasiga ugu sareeya Israaiil oo ah wasiirka Arimaha dibadu uu socdaal ku yimid Somaliland.

Labadan dal ayaa sidoo kale oska kaashanaya dhinacyada Horumarinta beeraha iyo boyaha, waxaanay Somaliland Todobaadkan ay u dirtay Israaiil dhalinyaro tababar dhinaca khayraadka biyaha ku soo qaadan doona israaiil  kuwaas oo ka tirsan wasaarada biyaha Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland ayaa la filayaa inuu dabayaaqada bisha March uu safar ugu baxo Israaiil.

Dhinaca kale Madaxweynaha dalka Israaiil ayaa maanta socdaal ku tagay dalka Ethiopia waxaana uu kulamo la yeeshay madaxda dalka Ethiopia, waxaana la filayo inay labada dhinac ka wada hadlaan arimaha ka socda Geeska Afrika

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*